CISHQI← Buugaag
Erayo Qalbiga Taabanaya

Erayo Qalbiga Taabanaya

Qoraallo taabanaya qalbiga, baraarujinaya maskaxda, bogsiinayana nafta.

Waxaa jira erayo dheguhu maqlaan oo waqtigu tirtiro, balse waxaa jira erayo qalbiga gala oo aan sannaduhu ka saari karin.

ERAYO AAN QALBIGA KA TIRMIN waa buug xambaarsan dareenno qoto dheer, xikmado nololeed iyo qoraallo ka hadlaya jacaylka dhabta ah, murugada qarsoon, kalinimada, qadarinta nafta iyo casharrada ay noloshu ina barato.

Buuggan waxaa loogu talagalay qof kasta oo mar jeclaaday, qof kasta oo qalbigiisu dhaawacmay, qof kasta oo ilmadiisa qariyay isagoo dadka hortooda ku dhoolla caddaynaya, iyo qof kasta oo weli raadinaya nabadda qalbigiisa.

Bog kasta waxaad ka heli doontaa erayo ku xusuusinaya qiimahaaga, qoraallo kugu dhiirrigelinaya inaad nolosha sii wajahdo, iyo xikmado kaa caawinaya inaad si qoto dheer u fahanto naftaada iyo dadka kugu xeeran.

Ma aha buug murugo keliya ka hadlaya. Waa safar ka bilaabmaya dareenka qalbiga, dhex maraya dhaawacyada nolosha, kuna dhammaanaya rajo, bogsasho iyo bilow cusub.

Waxaa laga yaabaa inaad bogaggiisa ka dhex hesho dareen aad muddo dheer qarinaysay, xusuus aadan illoobin ama erayo aad jeclaan lahayd in qof kuu sheego.

Waayo mararka qaar hal eray ayaa qalbi dhaawacmi kara, hal erayna wuxuu noqon karaa bilowga bogsashadiisa.

CUTUBYADA

  1. 1TUSMADA BUUGGA
  2. 2HORDHAC – ERAYO QALBIGA TAABANAYA
  3. 3QOFKA SI DHAB AH KUU JECEL
  4. 4JACAYL AAN LACAG LAGU CABBIRIN