FARRIIMAHA LABADA QALBI
Hordhac – Laba Qalbi, Hal Dareen
Jacaylku mar walba kuma bilaabmo hadal weyn ama ballanqaad dheer. Mararka qaar wuxuu ka bilaabmaa salaaa fudud, dhoolla-caddayn aan la filayn iyo farriin yar oo qofka qalbigiisa ku reebta dareen qurux badan.
Waxaa jira erayo aad akhrido oo daqiiqado ka dib aad illowdo. Waxaa kaloo jira erayo aad mar keliya maqasho, balse qalbigaaga ku sii noolaada muddo dheer.
Erayada jacaylku ma aha oo keliya in qof lagu yiraahdo “waan ku jeclahay”. Waa in qofka la dareensiiyo inuu qiimo leeyahay, la xasuusto marka uu kaa fog yahay, lana garab istaago marka ay noloshu ku adkaato.
Farriin jacayl oo qalbiga ka timid waxay qofka siin kartaa dhoolla-caddayn maalintii oo dhan la socota. Waxay u noqon kartaa degganaan marka uu murugaysan yahay, dhiirrigelin marka uu daallan yahay iyo xusuus qurux badan marka uu keligiis joogo.
Buuggani wuxuu xambaarsan yahay sheekada Naasir iyo Hani, laba qof oo si lama filaan ah isu bartay, dabadeedna si tartiib ah isugu soo dhowaaday farriimo kalgacal leh.
Naasir wuxuu ahaa qof jecel inuu dareenkiisa ku cabbiro erayo macaan. Hani-na waxay ahayd qof qadariya hadalka daacadda ah iyo jacaylka ficilka lagu muujiyo.
Kulankoodii ugu horreeyay wuxuu ahaa mid fudud, balse farriimihii ay isweydaarsadeen waxay noqdeen bilowga xiriir ay labadooduba si gaar ah u qiimeeyaan.
Bogagga soo socda waxaad ku akhrin doontaa farriimo ay isku diraan laba qalbi oo is baranaya, is xiisaynaya, dabadeedna si qoto dheer isu jeclaanaya.
Waxaad ka heli doontaa erayo subax wanaagsan, farriimo habeen wanaagsan, hadallo hilow iyo kalgacay leh, iyo qirashooyin jacayl oo qalbiga taabanaya.
Mararka qaar Naasir ayaa Hani u sheegi doona sida ay noloshiisa farxad ugu soo kordhisay. Mararka kalena Hani ayaa Naasir ku dareensiin doonta sida uu qalbigeeda meel gaar ah uga galay.
Laakiin jacaylkoodu kuma koobnaan doono erayo qurux badan oo keliya. Waxay baran doonaan inay is dhegaystaan, is qadariyaan, una muujiyaan kalgacayl xitaa maalmaha ay daallan yihiin ama ay kala fog yihiin.
Farriimaha buuggan ku jira waxay kuu noqon karaan dhiirrigelin aad adiguna erayo macaan ugu dirto qofka aad jeceshahay.
Waxaad ka dhex heli kartaa dareen aad muddo qalbiga ku haysay, balse aadan garanayn sida aad u cabbirto.
Waxaa laga yaabaa in farriin ka mid ahi ku xasuusiso qof aad jeceshahay.
Waxaa laga yaabaa in erayo kooban ay kaa caawiyaan inaad qofkaaga u sheegto sida uu kuugu weyn yahay.
Waayo, jacaylka quruxdiisu kuma jirto tirada erayada la isku yiraahdo, balse waxay ku jirtaa daacadnimada iyo dareenka ay erayadaasi xambaarsan yihiin.
Naasir iyo Hani waxay ina tusayaan in farriin yar ay noqon karto bilowga sheeko weyn.
Sheekadooduna waxay ka bilaabanaysaa hal kulan, hal salaan iyo laba qalbi oo aan weli ogayn waxa maalmaha soo socda u kaydsan yihiin.
